Cumar Cabdirashiid: “Waa ayaan daro weyn caqabadaha hortaagan doorashada”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, xili khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashada, madaxda dowladana uu ka dhamaaday waqtiga.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in afartii sano ee tagtay uu dalku galay dhaqan ah “Hala kala adkaado” kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay dalka.

“Dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid ayuu dalku ahaa maalintii aan talada wareejinayey,  waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhawyihiin, laakiin waxay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo sidoo kale senator aan weligiis soo xaadirin fadhiga aqalka sare.

Cumar Cabdirashiid ayaa xusay in xaaladda Soomaaliya ay maanta mareyso fara isku taagis aflagaadeyn, “In shakhsiga la gaaleysiiyo ayaa  dhiman, wax kale oo noo haray malahan, taasna waxaan rajeynayaa in doorashada kadib laga gudbo.” ayuu intaas ku daray

Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay  in afar sano kadib ay caqabad ka taagantahay in doorasho lagu aado hanaankii ay dejiyeen 2016-kii, xili la filayey buu yiri in doorasho kuwii hore ka horumarsan.

“Tanaasul baa la sameeyey oo doorashaa loo tanasulay ayey madaxda dalka ku doodaan, wax ka jira maleh, marna laguma fekerin in dalka ay ka dacdo doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -